Sweden oo ku baaqdey in lagu taagnaado heshiiskii Dhusamareeb

Published: July 28, 2020
Ann Linde
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden Ann Line

Dalka Sweden oo kamid ah dalalka deeqsiyada ah ee muddada dheer taageeraayey Dowaldda Soomaaliya ayaa codkeeda ku biirisay wel-welka ay ka qabto isbeddeladii ugu danbeeyey ee dalka, kadib markii xilka laga qaadey Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Anna Linde ayaa tiri:

Iswidhan waxay welwelka la wadaageysaa Midowga Yurub, isbeddeladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Soomaaliya. Waxay muhimaddu tahay wadahadal loo dhan yahay in uu sii socdo laguna taagnaado heshiiskii Dhuusamareeb.

Ann Linde, Wasiirka A. Dibadda Sweden

Sweden ayaa ah dalka labaad ee Midowga Yurub ee bixiya dhaqaalaha ugu badan ee ku baxa magaca Soomaaliya waxaana joornaalka SvD qorey in istaraatiijiyadda deeqbixinta Sweeden ee Soomaaliya kor loo qaadey muddo afar sano ahna qorshuhu yahay in lagu bixiyo lacag gaarey 350 milyan oo dollarka Marayaknka ah.

Wel-welka Beesha caalamka iyo canbaareynta ayaa noqotey mid sii socota, waxaana Dowladda ku mashquulsan tahay sidii ay u maareyn lahayd mowjaha ku furmey xilli weli ay baahi u qabto taageerada beesha caalamka.

Ann Line and Kheyre
Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Ann Linde

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *