Deni: Arrintii ka dhacday Gaalkacyo dowladu waa ay ka xun tahay

Published: August 4, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa markii ugu horeysay maanta gaaray magaalada Galdogob oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si heer sare magaalada ugu soo dhoweeyey maamulka iyo shacabka Galdogob, isagoo kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka kana raaligeliyey falkii ka dhacay Gaalkacyo ee boolisku ku dileen rag la sheegay inay gadayeen maandooriye.

Wuxuu ku baaqay arrimahaas oo kale inaysan mar kale soo noqon uuna ka raaligelinayo beesha Leelkase haddii khaladka uu ka yimid ciidanka booliska.

” Arrintii Gaalkacyo ka dhacday oo marar badan aan ka tacsiyeeyey intii ku dhimatay…..dowladuna waa ay ka xun tahay runtii in waxyaabahaas oo kale dhacaan laakiin maqaadiirta ninna ma celin karo, hadana waxaad ogaataan hadaa tiraahdaan keena xun la taaban maayo hadde far baa idiinku godnaan doonta ” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dhanka kale madaxweynaha iyo wafdigiisu inta aysan soo gaarin magaalada Galdogob waxaa lagu soo dhoweeyey deegaano dhowr ah sida Beyra iyo xero-jaalle wuxuuna kasoo dhagax dhigay xarumo dowladeed.

Ugu dambayn madaxweyne Deni ayaa kormeer ku tagey kastamka Tuurdibi oo ku yaalla xuduuda Puntland iyo Itoobiya, madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan Galdogob wuxu ka dhagax-dhigi doona mashaariic horumarineed oo ay dowladu balanqaaday.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa noqonaya Puntland madaxweynihii labaad oo xukunka jooga oo taga Galdogob, waxaa ka horeeyey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo tagey (April, 2014).

SAWIRO

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *