Madaxweyne Deni Oo Wali Ku Guda-jira Booqashadiisii Gobolka Mudug (SAWIRO)

Published: August 6, 2020

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wali ku gudajira booqashooyin uu ku marayey gobolka Mudug ayaa maanta isu maray deegaano iyo degmooyin dhowra sida Daarusalaam, Riig oomane iyo Buursalaax.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn saaka gaaray deegaanka Daarusalaam oo hoostaga degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuu kulan la qaatay isimada iyo waxgaradka deegaanka isagoo halkaas ka dhagaxdhigay Maxjarka Xoolaha, xarigana ka jaray MCH-ka deegaanka kadibna kormeeray Kastamka Daarasalaam oo ku yaalla xuduudka Puntland iyo Ethiopia.

Sidoo kale madaxweyne Deni iyo wafdigiisa oo safarkooda sii wata ayaa lagu soo dhoweeyay deegaanka Riig oomane ee gobolka Mudug.

Ugu dambayn madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa galabta gaaray degmada Buursaalax ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka iyo shacabka Buulsaalax.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyey shacabka iyo masuuliyiinta deegaan kasta oo lagu soo dhoweeyey.

Daarusalaam

Riig oomane

Buursaalax

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *