Dilalka Gaalkacyo ee Si Gaar Ah u Taabta Madaxweynayaasha Puntland.

Published: August 9, 2020

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka dhacay dilal faro badan, kuwaas oo loo geystey Oday Dhaqameedyo, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Culimada diinta iyo dadka.

Dilal waxaa jirey si toos ah u taaban jirey Madaxweynayaasha Puntland , kuwaas oo qaarkood iyaga si gaar ah u taabatey maamulkooda, qaarkoodna ay dhaceen iyaga oo magaalada ku sugan.

Xiligii Cadde Muuse ayaa ayaa ciidanka madaxtooyada oo hawlgal magaalada ka samaynaaya, waxay dileen nin ka reer Gaalkacyo ah, laakiin waxaa Cadde Muuse, lagu kalifey askerigii dilka geystey in uu keeno oo ay qisaastaan reerkii uu ka dhashey, askerigii hawlgalka dhibtu ku gaartey sidaas ayaa lagu diley, isla mar kale waxaa malayshiyaad hubeysan ay ka furteen ciidanka amniga nin diley askeri kaas oo loo wadey Maxkamadda, taas oo weji gabax ku noqotey Gen. Cadde Muuse, waxaana kala shaqeeyey malayshiyaadka taliyihii qaybta ee markaas oo ay isku raas ahaayeen.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo Gaalkacyo u yimid dilkii Wasiirkiisi Warfaafinta Warsame Shirwac Seefta-banaanka, ayaa masaajid ku yaala Gaalkacyo lagu diley 7 wadaad oo ka tirsan culimada Tabliiqa kuwaas oo u dhashey dalka Pakistan, dilkaas ayaa la sheegaa in uu la xiriirey dowlado shisheeye iyada oo la sheego in ay la xiriirtey arrimo basaasnimo, Madaxweyne Faroole waxa uu ku sugnaa magaalada, isaga oo la tacaalaya dilkii wasiirkiisa ayaa loogu darey dhacdadan waxaana dilalkaasi dhaceen bishii Agoosto 2009.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas oo xiriir fiican lalahaa beesha caalamka isaga oo raysalwasaare soo noqdey safarkiisi u horeeyey ee Gaalkacyo waxaa lagu soo dhaweeyey dilkii laba nin oo mid British ahaa una shaqeynaayey hay’adda UNODC, dilkaasi waxa uu noqdey mid si weyn u taabta Cabdiweli Cali Gaas isla markaana wejigabax uu kala kulmo hay’adaha UN ee la shaqeeya Soomaaliya, dilkaasi waxa uu dhacay Abril 2014.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo safarkiisi ugu dheeraa ku qaatey Mudug, meelo badan booqdey isku dayey in wax badan laga beddelo amniga gobolka ayaa ugu danbeyn isaga oo magaalada ku sugan malayshiyaad ay si gaadmo ah ku dileen taliyhihii ciidanka madaxtooyada Puntland Col. Cismaan Cumar.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

4 Comments

  1. Waa nasiib daro runtii, waxaase loo baahan yahay in wax laga barto oo dawladu sidii hore wax ka bedesho. Meesha dagaal baa ka socda waa in dawladu dagaalka laba dhinac ka dhigto oo la arko dawlada oo iyadu weerarka wada.

  2. Waxaa jiray gabay dheer oo 1950 meeyadii la tiriryay oo ay ku jirtay gaalkacayo iyo sharciga yaa u garnaqaya hadaanan qaldanayn !

  3. Asc.
    Maamulka puntlaan waa in uu gacmo bira ku qabtaa ammaanka dalka puntlaan. Waliba Gaalkacyo iyo Boosaaso. Dawlada puntlaan waa in ay shacabkeeda la saaxiibtaa say u soo sheegeen dhagar qabayaasha fidnada ka wada ardiga puntlaan. Jaalle Deni waa in uu IL gaara ku hayaa labadaas Magaalo. Waayo magaalooyinkaas waxaa ku nool shaydaamo wax u dhima dalka iyo dadkiisa.