Qooqoor: Shirka Dhuusamareeb wuxuu ku dhicidoono waqtigii lagu talagalay

Published: August 11, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar shaqo u joga dalka Turkiga ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareeb uu dhici doono xilligii lagu balamay, oo ku began 15 bishan Agoosto .

Qoorqoor oo khudbad ka jeedyay kullan ee k u soo dhaweyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Istanbul ayaa  sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara shirka Dhuusamareeb 3, lana tixgeliyo reer Galmudug.

“Waxaa balansan oo madlan gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay tahay in go’aamo wax ku ool ah oo waqtiga hadda lagu jiro, iyo arrimaha Soomaaliya horyaala looga tashado oo lagu gaari lahaa ayaa noo taala 15 bisha agosto, waxaa ku kalsoonnahay sidii madaxdii soomaaliyeed caasimadda galmudug loogu soo dhoweeyay in shirka soo socda loogu soo dhoweyn doono”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Sidoo kale waxaa uu uu ku baaqay  in dhammaan Madaxda uu la xiriiray, ayna rajeynayaan in la tixgeliyo oo la dhowro, si la isugu yimaado gogosha soo socda ee Dhuusamareeb 3 ee lagu balansanyahay 15 bishan Agoosto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *