Shirka Dhuusamareeb 3 oo qarka u saaran fashil?

Published: August 13, 2020
Wasiirka dastuurka Saalax Axmed Jaamac
Saalax Axmed jaamac siihayaha wasiirka Dastuurka

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saalax Axmed Jaamac oo kamid ah guddiga farsamada ee ka baaraandagidda talooyinka la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka ayaa sheegay in shirka Dhuusamareeb uu ku furmaayo wakhtigii loo qabtey ee 15 Agoosto mar uu waraysi siinaayey BBC Somali.

Guddiga Farsamada ee lagu heshiisyey shirkii Dhuusamareeb, ayaa loo dhigey sidan:

(Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka)

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa ugu horreeyey cid ku dhawaaqda xubanaha uga mid noqonaya guddigan, waxaana qorshuhu ahaa in maamul goboleedkastaa magacaabo laba xubnood halka dowladdu federaalku ay soo magacaabi lahayd saddex xubnood.

Shaqada guddiga waxaa lagu sheegay isla heshiiskii Dhuusamareeb, waa in ay ka soo baaraandegaan, kana soo tallo bixiyaan doorashooyinka dalka. Sida qorshuhu ahaa guddigan ayey ahayd in la dhiso 23 Luuliyo ayna ku shaqo bilaabaan isla magaalada Dhusamareeb, taas ma dhicin, kadib markii Dowaldda federalaaku aad ula daahdey magaacibdda oo ay gashey dagaal dhexdeeda ay isaga takhaluseyso, lama soo magacaabin guddiga ilaa cadaadis la saarey oo baaqyo caalami ah loo jeediyey, laakiin markii ay magacaabtey ayuu noqdey mid DAB & BAASIIN ku shidey hannaanka guddiga farsamo ee doorashooyinka dalka, kadib markii tiradooda ay gaarsiisey 6 xubnood inta ka imaanaya DFS, oo ay u kala qaybisey afar xubnood oo Dowaldda Federaalka ah iyo maamulka Gobolka Banaadir oo ay laba xubnood uga dareen, Gobolka Banaadir ilaa hadda waxaa maamulkiisa magacaaba Villa Somalia, taas oo ka dhigeysa in Dowladdu magacaabtey lix xubnood.

Shaqada Guddigu maaheyn in ay ka hadlaan qabsoomidda iyo qabsomid la’aanta shirka Dhusuamareeb ee ay u ballameen madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowladda federaalku, kaasi waa madal lagu heshiiyey, waxay shaqadoodu ahayd in ay diyaariyaan tallooyinka loo direy ka hor shirka iyo wixii looga hadli lahaa si loo saxiixo ama wax looga beddelo.

Waxaa jira su’aalo la iska weydiinayo sababta xubnaha Puntland iyo Jubaland uga maqan yihiin shirka doc ka faruurka ah ee Muqdisho ay ka bilowdey Dowladda federaalku.

Raysalwasaaraha kumeel-gaarka ah ayaa soo saarey amar ah in guddigu isugu yimaado Muqdisho 5 Agoosto. Xiriir aan la sameyney maamulada Puntland iyo Jubaland ayey noo sheegeen in ay tahay wax khalad ah in hal dhinac uu u yeeriyo guddiga farsamada sida la yeelayo, isla markaana la beddelo halkii gogosha shirku taaley ee Dhuusamareeb, sidoo kale waxay ku nuux-nuuxsadeen in waxa socdaa oo dhan ay sharciga baal-marsan yihiin, tan iyo markii la ridey raysalwasaare Kheyre Dowladdu ay ku socotey waddo lagu minjo-xaabinaayo qabsoomidda shirka 15 Agoosto.

Waxaa jira tallooyin iyo baaqyo loo jeedinaayo madaxda Dowlad goboleedyadu in aysan wakhti kale ku dhumin Villa Somalia ee ay isku dayaan in ay qabtaan shir BADBAADO QARAN oo iyagu ka heshiiyaan sidii dalka doorashooyin looga qaban lahaa iyo nooca ay noqon lahayd.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Aniga waxaa qabaa rayigeyga wax farmajo Lagu aamin karo majiraan qof balan lehna mahan sidaa darteed somali ha ka tashato shir ka madaxa banan soo somali Lagu badbaadinaayo hala qabto hadii kale meshii 1991 wixii dhacay ayaa ii muuqda oo ah xamar dagaal ma hurto