Cabdi Xaashi oo Farmaajo ku eedeeyey in uu dastuurka u gefay

Published: August 16, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahiayaa khudbad u jeediyey ku sheegay in uu dhegaystey khudbaddii Madaxweynaha ee 15 Agoosto 2020 ee uu u jeediyey Golaha Shacabka.

“..Hadal jeedinta madaxweynuhu waxa uu ku sheegay waajibaadka Madaxweynaha saaran kan ugu muhimsan in ay tahay ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka u taala, laakiin isla khudbadiisi waxa uu si la yaableh ugu xadgudbey dastuurka daalka….”

Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo ka soo qaadanayo qodobo dhawqr ah oo Madaxweynuhu ugu gefay dastuurka.

  1. Golaha Shacabku waa asaaska nidaamka dowladnimadeena, dowladnimadeenuna waa golaha shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in halkaas laga arki karo in Madaxweynuhu sharcigii oo dhan tuuray, Golaha shacabku maaha dowladnimadeena waa aqal kamid ah baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayuu yidhi.

Cabdi Xaashi oo weli sii wata qodobada Madaxweynuhu ugu gefey dastuurka ayaa yiri:

  1. Madaxweynuhu waxa uu yiri Golaha Shacabku waa wakiiladii shacabka Soomaaliyeed ee ay soo doorteen, oo halkan u fadhiya dowlad goboleedyada
  2. Madaxweynuhu waxa uu yiri golahani waxa uu wakiil ka yahay Dowlad goboleedyada.

Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisi ku yiri heshiis kasta oo uu ku soo galo Dhuusamareeb uu ku soo celinaayo Golaha Shacabka, si aad kaalintiina dastuuriga ah uga qaadataan.

“… Haddaba Madaxweynuhu miyaanu ogeyn dalka uu Madaxweynaha ka yahay in uu qaatey nidaamka Federaalka oo ay tahay in uu yeesho laba Aqal oo hal Baarlamaan isku ah kuwaas oo ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, Madaxweynuhu hadduusan akhriyin dastuurka dalka, waxaan u soo jeedinaynaa in uu akhriyo…

Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Aqalka Sare

Guddoomiayaha Aqalka sare oo cuskanaya qodobo dastuuri ah ayaa madaxweynaha xusuusiyey qodobo dastuuri ah ee dowladnimadu ku dhisan tahay waxaana uu yiri.

Qodobka 55 aad ee Dasuurtka ayaa qeexaya in baarlamaanka federaalku ka kooban yahay laba Aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Qodobka 61 aad tirsigii saddexaad ayaa dastuurku sheegayaa in Aqalka Sare uu metalo danaha Dowlad goboleedyada iyo ilaalinta nidaamka federaalka.

Cabdi Xaashi oo u muuqdey in uu cashar u dhigayo Madaxweynaha ayaa yiri asaaska Dowladnimadu waxay ka kooban tahay saddex xiriir oo kala ah, hay’adda sharci dejinta oo ka kooban Golaha Aqalka sare iyo iyo Golaha Shacabka, Hay’adda fulinta iyo Hay’adda Garsoorka, sidaas darteed Dowladnimadeenu maaha Golaha Shacabka oo keliya ayuu yiri Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Ugu Danbeyntii Cabdi Xaashi ayaa sheegay in markii Madaxweynha Jamhuuriyaddu doonaayo in uu ka hadlo arrimo Qaran waajib ku tahay in uu la wada hadlo Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban labada Aqal.

Sharciga cid ka sarreysaa ma jirto, qofkii u gefana waa qabanayaa, dadka yaa hor imaan karaa hadal deeqa oran kara, kasban kara rag iyo dumar, Oo xume ka daahira? ayuu hadalkiisi ku soo xiray Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Hanad Askar

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *