Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo lagu eedeeyey qiimaha warqadda COVID-19

Published: August 20, 2020

Dalal badan oo caalamka ah ayaa dadka dalkooda imaanaya ku xiraya in ay shahaado ka soo qaadaan dalkooda taas oo caddeyneysa in aysan sidin Fayrsaka Koroonaha oo ay ka caafimaad qabaan xanuunka COVID-19. Dhamaan dadka ka imaanaya Soomaaliya ayaa laga doonayaa warqadda caddeynta caafimaadka.

Haddaba meelaha warqadahaas laga helaayo waxaa kamid ah magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa, waxaana si weyn loola yaabey qiimaha Wasaaradda caafimaadka Puntland ay ku bixineyso warqadda caddeynta caafimaadka ee Covid-19.

Magaalada Muqdisho meelaha Dowladdu maamusho waxaad ku heleysaa qiime gaaraya $10 oo dollarka Maraykanka ah, magaalada Hargeysa qiimihu waa $12 dollarka Maraykanka ah, meelaha gaarka loo lee yahay ee magaalada Muqdisho waa $30 dollar.

Waxaa la yaab noqotey in Puntland ay ku dhawdahay $70 dollar, arrintan ayaa dadka safrayaa cabasho ka muujiyeen, waxaana dad ka dhiidhiyey arrintan saakey ku daabaceen baraha bulshada.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kamid ah asaasayaasha oo kamid ah urur siyaasadeedka Mideeye ayaa sheegay in qiimaha warqadda caddeynta qofku inaanu qabin COVID-19 aysan sinaba uga badan karin $30.

Waxaa si weyn loola yaaban yahay qiimaha wasaaradda caafimaadka ee Puntland intaas u noqdey, sidoo kale lacagtan ayaan la ogeyn waxa bulshada loogu qaban doono.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *