New Zealand: Dhageysiga Xukunka Cunsurigii Muslimiinta badan laayey

Published: August 24, 2020

Waxaa maanta oo Isniin ah dalka New Zealand ka bilowday dhageysiga Maxkamada oo todobaadkan xukunka ku rideysa ninkii Cunsuriga ahaa ee 51 qof ee muslimiinta ah sanadkii hore ku dilay magaalada Christchurch.

Gacan-kudhiigalaha oo lagu magacaabo Brenton Tarrant ahna 29 sano jir ayaa isagu qirtay dhamaan dacwadihii lagu soo oogay ee kala ahaa inuu dilay 51 qof, inuu isku dayey inuu dilo 40 kale iyo dacwada ah inuu geystay weerar argagaxiso, waxaa la filayaa inuu lagu xukumo xabsi daa’in oo ah xukunka ugu adag ee dalkaasi.

Weerarka uu ninkan la beegsaday labo masaajid oo ku yaal magaalada Christchurch ayuu si toos ah uga baahiyey bartiisa Facebook, xeer illaalinta ayaa sheegtay in ninkan muddo dheer diyaarinayey weerarkan isla markaana qorshihiisa uu ahaa inuu cabsi weyn ku abuuro shacabka Muslimiinta ah.

Ninkan ayaa sheegay inuu ka xun yahay inuusan ku guuleysan inuu dilo muslimiin aad u badan isagoo ku tilmaamay dadka soogalootiga ah iyo muslimiinta kuwo khatar ku ah dhulkooda, walow uu ninkan cadaanka ah asal ahaan kasoo jeedo dalka Australia.

Ehelada iyo Qaraabada dadkii lagu dilay weerarkaasi ayaa lagu wadaa inay hadalo kasoo jeediyaan maxkamada, kahor intaan xukunka lagu ridin ninkan argagaxisada ah. Waxaan aada loo adkeeyey Amaanka xarunta Maxkamada.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *