Puntland “Nama Quseeyo Xeerka Warbaahinta ee lagu Qoray Muqdisho”

Published: August 27, 2020

Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland Cabdillaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay inuusan qusayn xeerka saxaafadda Soomaaliyeed ee shalay lagu soo bandhigay Muqdisho, waxaana bandhigaas kasoo qaybgalay sii-hayaha raysal wasaaradaha dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo masuuliyiin kale.

Wasiir Timacadde oo waraysi siinayey idaacadda BBC ayaa sheegay in aan lagala tashan xeerka warbaahinta ee shalay la soo bandhigay sidaas daraadeed aanu qusayn ka Puntland ahaan.

” Anagu xeerkaasi waxba kama ogin waxna kalama socono…”

Wasiir Timacadde

Puntland ayaa waxay leedahay guddiga lagu magacaabo guddiga sarre ee Warbaahinta Puntland kuwaas oo ka kooban toddoba xubnood oo isugu jira agaasimaha wasaaradda warfaafinta, 2 xubnood oo ka yimaada ururadda bulshada, qof garyaan ah, agaasimaha tv-ga Puntland, qof ka yimaada wasaaradda waxbarashada iyo Wasiirka warfaafinta Punltand.

Xeerkan Warbaahinta ee shalay lagu soo bandhigay Muqdisho ayaa waxaa saxiixay madaxweyne Farmaajo kadib markii wax ka bedal lagu sameeyey qodoba ay dhibsadeen wariyayaashu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waad ku joogtaa wadadii federalism ka kali xukunna cidna yan laga yeelin. saraynta sharcigu waa joogto.