Boosaaso: 25,000 Neef Oo Geel Ah Oo Loo Dhoofiyey Khaliijka

Published: September 6, 2020

Waxaa xalay dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka shiraacday Markab siday 25,000 neef oo Geel ah kuwaas oo loo dhoofinayey wadamada khaliijka.

Xoolahan la dhoofiyey ayaa hadda la geyn doonaa dalka Sucuudiga si halkaas loogu iib-geeyo sida ay sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda dekedaha Puntland, wuxuuna geelani kamid yahay malaayiin xoolo ah oo iyaga maalmaha soo socda loo dhoofin doono wadamada Khaliijka gaar ahaan Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xoolaha Soomalida oo dhowaan loo furay sayladda ugu weyn ee Sacuudiga oo ayaa haatan waxaa dhoofka xooluhu kusoo kordhiyay guud ahaan nolosha dadweynaha miyi iyo magaaloba dhaqdhaqaaq ganacsi oo dad badanina shaqo abuur ka helay.

Hay’adda Cunada iyo Beeraha adduunka ee FAO-ka ayaana sheegtay in Soomaalida 40% wax soo saarkoodu ku xiran xoolaha nool.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *