Axmed Islaam oo kulan la yeeshay Saraakiisha Amniga Jubaland

Published: September 12, 2020

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga Jubaland, kulankan oo looga hadlay xaalada Amni iyo weerarkii argagaxisada ahaa ee Jimcihii lala beegsaday shacab iyo masuuliyiin ku sugnaa masaajidka bartamaha Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada amniga lagu sugyo isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen Argagixisada.

Gaba-gabadii Madaxweynaha waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonaan, Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *