MALI: Mucaaridka oo diiday in Militariga sii taliyaan 18 bilood

Published: September 14, 2020

Xisbiyada Mucaaridka dalka Mali ayaa qaadacay go’aanka kasoo baxay shirkii u socday Militariga iyo ururada Siyaasada ee looga hadlayey muddada kumeel gaarka ah iyo xil ku wareejinta dowlad shibil ah.

Miliatriga Mali oo todobaadyadii lasoo dhaafay wadahadal kula jiray Mucaaridka iyo Bulshada Rayidka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay inay go’aansadeen in ay xilka wareejiyaan 18 bilood kadib.

Urur Gobaleedka dalalka Galbeedka Afrika oo ay ku jiraan 15 wadan ayaa illaa maalinta beri ah ee Salaasada u qabtay in Militariga Mali ay soo magacaabaan hogaamiye shibil ah, hadii kale la kulmi doonaan cunaqabateyn kale xili Mali xaduudaheeda ay xireen dalalkaasi jaarka la ah.

Col. Assimi Goita oo ah hogaamiyaha ciidamada Mali ayaa xukunka inqilaabka kula wareegay 18kii Agoosto ayaa sheegay in ay dhankooda sameeyeen tanaasul, isla markaana Militariga markii hore doonayeen inay xilka hayaan muddo 3 sano ah.

Xisbiyada Mucaaridka oo horey usoo dhaweeyey inqilaabkii xilka looga tuuray Madaxweynihii Ibrahim Boubacar Keita balse diidan in militariga xilka siihayo, inta badan xisbiyada mucaaridka ayaa soo jeediyey in ugu badnaan 8 bilood xilka ku wareejiyaan askarta awooda la wareegtay.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *