USA: Tirada dhimashada Dabka ka shidan Galbeedka Maraykanka oo korortay

Published: September 14, 2020

Digniino cusub ayaa laga soo saaray deegaanada ku dhaw dhulka uu qabsaday dabka xoogleh ee ka shidan sadex gobal oo ku yaal Galbeedka Maraykanka.

Gobalada Washington, Oregon iyo California ayaa weli la tacaalaya dabka qabsaday dhulka kaymaha ah kaasi oo la sheegay inay  ku dhinteen ugu yaraan 33 qof.

Hay’ada qaabilsan Cimilada dalkaasi Maraykanka oo digniin cusub kasoo saartay in dabkan uu kusii fidi karo gobalada Oregon iyo California ayaa sheegay in dabeylaha iyo roob la’aanta ka jirta gobaladaasi ay si weyn u caawisay in dabka si fudud ugu fido dhul baaxadleh.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *