Axmed Islaam oo la kulmay Madaxweynihii hore Xassan Shiikh

Published: September 15, 2020

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya ayaa Muqdisho u jooga kulamada ay la yeelanayaan Madaxweynaha Federaalka oo ay ka wadahadlayaan heshiis siyaasadeed oo laga gaaro doorashada 2020/21.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *