Farmaajo: “Waxaan u tanaasulay dalka” – VIDEO

Published: September 19, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay sida uu uga tanaasulay go’aankiisii ahaa hanaanka doorashada soo socota ee dalka inay noqoto ee qof iyo cod.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabada casho sharaf oo uu ku maamuusay madaxda ka qeyb gashay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho ayaa tilmaamay sababta keentay inuu tanaasulo oo ahayd markii xaaladu gaartay in la kala tago iyo in aanu shisheeye soo faragelin doorashada.

“Waxaa ku tanaasulay markii ay gaartay meesha ugu dambeysay oo ah in la kala tago oo dadka rajo xumo la geliyo, waxaa i soo baxday labo inaan kala doorto, waxay kala yihiin in dalka aan isku haayo oo aanu kala tagin iyo in aanu shisheeye na soo faragelin oo aysan isu keen soo jiidin ayaa keentay inaan qaato tanaasul”

Farmaajo

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Horta tanaasul maxaa la yiraahdaa?
    Nin afar sanno la doortey oo xiligiisii dhamaadey, haddiuu doorasho qabto ma tanaasul buu cid u sameeyay.
    Mise ku darsigii indha cadeyska ahaa oo uu watey oo laga diidey buu tanaasul u arkaa.hadii tiisa la yeeli lahaa ku darsiga ah, waxaa ka oran lahaa waa loo tanaasuley, hadase waxaa la raacey, sidii sharciga ahayd. Afartii sanno waa in doorasho la qabtaa.Farmaajo wax tanaasula cidna uma sameyn yaan wax ma garatada la khaldin.