Mahdi Guuleed Oo Magacaabay Guddiga Xil-wareejinta Raysalwasaaraha Cusub

Published: September 19, 2020

Siihayaha xilka raysal wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magacaabay guddi ka kooban wasiirada siihayayaasha ah kuwaas oo diyaarin doona munaasabadda xil-wareejinta raysal wasaaraha cusub.

Guddigan oo ka kooban wasiirada Cadaaladda, Dastuurka, Qorsheynta, Gaashaandhigga, Gaadiidka, Dhalinyarada iyo Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan la ogayn sababta keentay in la magacaabo iyadoo uu wali baarlamaanku kalsoonida siin raysal wasaaraha cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa habeenkii jimcaha Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay raysalwasaaraha dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *