Axmed Madoobe Oo La Kulmay Ururada Bulshada Rayidka

Published: September 20, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Waxay xubnahan ka tirsan ururada bulshada rayidka ah uga mahadceliyeen madaxweyne Axmed Madoobe sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hanaan Doorasho oo heshiis lagu yahay isla markana meesha ka saara walaaca ay bulshadu ka qabtay mustaqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Ururada bulshada rayidka ah xubnaha ka socday ayaa sidoo kale sheegay inay Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhiman loo dhamaystiri lahaa.

Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka ayaa khamiistii ayaa soo saaray khamiistii heshiis ay ka gaareen doorashada Soomaaliya 2020/2021, taasoo ah mid dadban oo ay xildhibaanada dooranayaan ergooyinka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *