Jawaari: Heshiiskan ma khilaafsana Dastuurka Dalka – Video

Published: September 26, 2020

Xildhibaan Maxamed Cismaan Jawaari, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo kamid ah xildhibaanada maanta hadalada kasoo jeediyey kulanka labada Aqal ee looga hadlayo heshiiska siyaasadeed ee Doorashada 2020/21 ayaa sheegay in heshiiskan uusan ka hor-imaaneyn Dastuurka dalka.

Prof.Jawaari oo markii ugu horeysay tan iyo markii xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ka degay khudbad kasoo jeediyey Baarlamaanka ayaa wax laga weydiiyey inuu tusaale ka bixiyo heshiiska horyaal iyo sida loo waafajinayo Dastuurka.

Jawaari ayaa soo jeediyey in heshiiskan uu yahay  mid siyaasadeed oo xal lagu raadinayo, wuxuuna sheegay in Dastuurka uu u fasaxayo in Madaxda Dowlad gobaleedyada ay gaari karaan heshiis la xariira siyaasada, amniga iyo iskaashiga.

Wuxuu Jawaari sheegay in loo baahan yahay in heshiiska lagu daro talooyin ku socda Madaxda Federaalka iyo Dowlada gobaleedyada sida in la dhiso Guddigii khilaafaadka ee xalin lahaa wixii la isku qabsado inta ay doorashada socoto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *