Labada Aqal ee Baarlamaanka oo cod u qaadaya Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashada 2020/21

Published: September 26, 2020

Waxaa goordhaweyd xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka furmay shir ay ku dhan yihiin labada aqal ee Baarlamaanka, kulankan khaaska ah ayaa la doonayaa in lagu ansixiyo heshiiskii siyaasadeed ee dhexmaray Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Kulankan xasaasiga ah oo noqonaya kii 2aad oo ay si wadajir ah u fadhiyaan labada Aqal; Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo in muddo ah aan wax wadashaqeyn ah ka dhaxeyn ayaa qodobka kaliya ee horyaal uu yahay ansixinta heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen Madaxda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ee nidaamka Doorashada sanadkan 2020/21.

In badan oo kamid ah Xildhibaanada ku sugan kulanka ayaa codsaday inay hadalo soo jeediyaan, waxaana la filayaa in kadib hadal jeedinta ay cod u qaadaan heshiiskan furaha u noqon doona in la bilaabo hawlaha doorashada Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha ee la mudeeyey inay dhacdo sanadka soo socda.

Madaxweynayaasha Dowlad gobaleedyada oo kadib heshiiskan kulamo gaar gaar ah la yeeshay Xildhibaanada gobaladooda laga soo doorto ayaa culeys ku saarayey xildhibaanada inay codkooda siiyaan heshiiskan.

Doorashada soo socota oo noqon doonta mid dadban ayaa weli la filayaa in xeerar u gaar ah laga soo saaro sida loo hirgelinayo 15ka qodob ee heshiiskan ku xusan.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muddo dheer ku dheganaa doorasho qof iyo cod ah ayaa sheegay in heshiiskan uu qaatay isagoo ka duulaya inuu illaaliyo Midnimada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *