Lebanon: Raysalwasaaraha magacaaban oo iscasilay isagoon Xukuumad magacaabin!

Published: September 26, 2020

Waxaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay inuu xilka iska-casilay Raysalwasaaraha magacaaban ee dalka Lubnaan Mustafa Adib kadib markii uu khilaaf xoogan kala kulmay dhismaha xukuumadiisa.

Mustafa Adib oo bil kahor loo magacaabay xilkan ayaa saaka mar uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun, si lama filaan ah istiqaaladiisa ugu geeyey.

Sababta Mustafa Adib isku casilay ayaa waxa ugu weyn caqabad uu kala kulmay Xisbiyada Shiicada dalkaasi gaar ahaan Xisbullah iyo Amal oo diiday inay laga qaado xilalka Wasaaradaha ay hada maamulaan.

Raysalwasaare Adib oo horey usoo ahaan jiray Safiirkii Lubnaan u fadhiyey dalka Germany ahaana Lataliyihii Raysalwasaarihii isaga ka horeeyey ayaa waxa uu taageero xoogan ka heystay Beesha Caalamka gaar ahaan dalka France oo awooda badan wadankaasi kuleh.

Awood qeybsiga Dowlada Lubnaan ayaa ku dhisan 3.5 oo ah xilka Madaxweynaha oo loo doorto Kirishtaanka, halka Raysalwasaaraha ka yimaado Sunnida iyo Shiicada oo haya Guddoonka Baarlamaanka.

Hase yeeshee Golaha Xukuumad ayaa waxaa awood badan kuleh xisbiyada Shiicada gaar ahaan kooxda Xibullah oo ah mid hubeysan isla markaana la’aantooda aysan xukuumada shaqeyn karin.  

Mustafa Adib ayaa sheegay inuu iscasilay maadaama Xukuumadii uu doonayey inuu soo dhiso caqabado badan la kulmi lahayd, isla markaana uu doonayo inuu  illaaliyo midnimada wadanka Lubnaan.

Shacabka Lubnaan ayaa Xukuumada ku eedeeyey musuq maasuq baaxadleh isla markaana in aan lala xisaabtamin siyaasiyiinta awooda ku takrifala, kadib qaraxii bishii Agoosto ka dhacay dekada Beyruut ayaa waxaa xoogsaday dadaalka ladoonayo in isbedal lagu sameeyo dowladaasi, taasi oo keentay magacaabida Raysalwasaaraha maanta xilka ka degay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *