Uhuru Kenyatta: Ma ogolin in Maraykanka Duqeyn ka geysto gudaha Kenya! – Video

Published: October 2, 2020

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inaysan dowladiisa marnaba aqbali doonin in Maraykanka duqeyn dhanka cirka ah ka geysto gudaha wadankooda.

Kenyatta oo safar shaqo ku tagay dalka France ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey Telefishinka dalkaasi ee France24 uga hadlay caqabadaha hortaagan dowladiisa iyo la dagaalanka argagaxisada.

Madaxweynaha Kenya ayaa la weydiiyey in Maraykanka ka codsaday in diyaaradahooda Drone-ka ay duqeyn ka geystaan gudaha Kenya, wuxuuna beeniyey wararkaasi balse wuxuu intaasi raaciyey in xaalada aysan weli heerkaasi gaarin!

Waxaa la weydiiyey falalka & Dagaalada ka dhacay xaduuda Kenya iyo Soomaaliya, inay ku kooban tahay oo kaliya la dagaalanka Argagaxisada?

Wuxuu Kenyata sheegay inay dhankooda dadaal wadaan isla markaana xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyn la leeyihiin dowlada Soomaaliya.

Mar la weydiiyey goorta ay ciidamada Kenya kasoo bixi doonaan Soomaaliya, ayuu sheegay inuusan taasi hada ogeyn wakhtiga ay noqon doonto!

Hadalka Kenyatta ayaa kusoo beegmaya xili diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka wadaan gobalka Gedo ee Soomaliya.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegta in duqeynta ay ka geysato gudaha Soomaaliya ay fasax uga heysato dowlada Federaalka Soomaaliya, hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaan ka hadal duqeynta Kenya ka wado Gedo in ay iyaga u fasaxeen iyo in kale?

Wareysigan ayaa sidoo kale su’aalo looga weydiiyey musuq maasuqa ka jira dowladiisa, xiisada ka taagan Baarlamaanka Kenya, cudurka Covid19 iyo hawlaha horumarinta dalka Kenya.

Hoos ka daawo Wareysiga oo dhameystiran

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *