Shir Dhexmaray Wasaaraddaha Maaliyadda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada

Published: October 6, 2020

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shir gudoomiyey kulan maanta dhexmaray madaxda wasaaraddaha maaliyadda dowlad goboleedyada iyo dowlada federaalka.

Kulanka oo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo wada shaqeynta Wasiirada Maaliyada Maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

“Waxa markale inoo qabsoomay shirkii Maaliyadda dalka, Waxa aan had iyo jeer diiradda ku saarnaa Horumarinta Dhaqaalaha Dalka iyo wada shaqeynta. Mar waliba waxaa naga go’an in aan bulshada wadajir ugu adeegno”

Wasiir Beyle

Shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay wasaaradda maaliyadda Puntland ku eedeysay dowlada federaalka inay sabab u tahay sicir barar xoogan oo ku dhuftay deegaanada Puntland, kadib markii ay ka gaabisay dayactirkii lacagta Soomaaliga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment