Doorashada USA: Doodii Murashaxiinta Madaxweyne kuxigeenka

Published: October 8, 2020

Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Mike Pence iyo Senator Kamal Harris oo u tartamaya xilka Madaxweyne kuxigeenka ayey dood adag dhexmartay xili doodii ka horeysay ee Murashaxiinta Madaxweyne ay ahayd mid fowdo iyo buuq ku dhamaatay.

Doodii xalay ee Mike Pence iyo Kamala Harris ayaa ka duwaneyd tii hore ee Donald Trump iyo Joe Biden, waxayna doodan ahayd mid degan balse ay labada dhinac isku dhaafsadeen firkoodka siyaasadeed oo aad u kala fog.

Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence ayaa xooga saaray siduu markale sare ugu soo qaadi lahaa sumcada Madaxweynihiisa Donald Trump oo hada u muuqda inay si weyn hoos ugu dhacday taageerada uu ka heysto shacabka Maraykanka.

Senator Kamala Harris oo laga soo doorto gobalka California ahna haweenaydii ugu horeysay ee Madowga Maraykanka oo u sharaxan xilka Madaxweyne kuxigeenka ayaa xooga saartay inay shacabka ka gado qorshaha Xisbiga Dimuquraadiga, iyadoo sheegtay in Jamhuuriga si weyn ugu fashilay siyaasada dhinac walba.

Qodobada ugu waaweyn ee doodan saameynta kulahaa ayaa waxaa kamid ahaa arrrimaha caafimaadka gaar ahaan cudurka Covid19 oo khasaaro ba’an ka geystay dalkaasi, waxayna Senator Harris ku eedaysay maamulka Trump & Pence inay ku fashileen ka hortaga cudurkaasi dilay in ka badan 211-kun oo qof oo Amerikaan ah.

Doodan ayaa ahayd midda kaliya ee loo qabtay Murashaxiinta Madaxweyne kuxigeenka.

Waxaan la aqoon inay dhici doonto doodii labaad ee Murashaxiinta Madaxweynaha, maadaama Donald Trump laga helay cudurka Covid19, walow uu isagu si weyn u doonayo in doodaasi la qabto si uu uga soo kabto hoos u dhaca ku yimid taageeradiisa shacabka iyo waliba waji-gabaxii ka raacay doodii 1aad oo lagu eedeeyey inuu fowdeeyey kulankaasi uu la yeeshay murashaxa dimuquraadiga Joe Biden.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *