Golaha Amaanka QM Oo Walaac Ka Muujiyey Dhaqaalaha Alshabaab Uga Yimaada Bangiyada Soomaaliya

Published: October 12, 2020

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyey lacagaha malaayiinta dollar ee kooxda Alshabaab ku kaydsadaan bangiyada ku yaalla gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen.

Nuqul ku saabsan warbixintan oo aan wali la shaacin ayuu helay wargeyska New York Times, wuxuuna ku sheegay inay Alshabaab lacago badan ka aruuriyaan gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, isagoo intaasi raaciyey in Al-Shabaab ay gudaha u galeen dekedda Muqdisho, halkaasna ka qaataan canshuuraha badeecadaha.

Warbixintan oo ay diyaariyeen koox khubaro ah oo ka tirsan golaha amaanka qaramada midoobay ayaa lagu xusay laga soo bilaabo December sanadkii hore ilaa bishii August ee sanadkan ay Al shabaab uruurisay lacag dhan $13M, waxaana ku jira lacagtaasi qiyaasitii $2.4M oo ay ka uruuriyeen baro kontrool oo ku yaala gobolka Jubada hoose iyo $5.8M oo ay ka qaadeen ganacsiyada Kismaayo.

Khubarada oo kor kala socday arrimahan ayaa dowlada Soomaaliya ku dhaleeceeyey, iyagoo ugu baaqay dowlada in looga baahan yahay in ay qaaddo tillaabooyin ay ku horumarinayso bangiyadeeda si aysan kooxda Al Shabaab uga fududaan cunaqabateynta saaran ugana faa’iideysan daciifnimada bangiyada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *