Wasiir Cawad Oo La Kulmay Wakiilka QM Ee Soomaaliya

Published: October 12, 2020

Siihayaha wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga qaramada midoobay iyo Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha xaalada gobolka.

Axmed Ciise Cawad ayaa warbixin ka siiyay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya, james swan hormarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay arrimaha amaanka xiriirka caalamiga aha ee saaxibada caalamka ,dhaqaalaha iyo dib ukabashada dalka

“Ergayga qaramada midoobay ee soomaaliya, james swan, waxa sharaf u ahayd in uu maata la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka, Axmed Ciise Cawad, si ay u falanqeeyaan arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga qaramada midoobay, arrimaha qaranka mudnaanta u ah iyo xaaladaha gobolka ka jira “

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *