Xamaalka Dekeda Bosaso oo Mudaharaaday iyo Dekeda oo Xiran

Published: October 12, 2020

Shaqaalaha muruqmaalka ee ka xoogsada Dekeda magaalada Bosaso ayaa sameeyay mudaharaad ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo lacagta dejinta iyo rarida ee badeecadaha ka soo dega dekeda Bosaso.

mudaharaadka iyo shaqo joojinta ay sameeyeen Xamaaligu ayaa sababtay in gebi ahaanba uu istaago shaqadii iyo dhaqdhaqaaqii Dekeda Bosaso oo ah isha ugu weyn ee Dakhli ee dowladda Puntland.

Xamaaliga ka Xoogsada dekeda ayaa cabasho ka muujiyay lacagta lage dejiyo/raro badeecadaha ka soo dega dekeda taasi oo ah saddex kun oo shilin (3,000sh) oo la jaangooyay 28 sanno ka hor xiligaas oo $1 Dollar uu ahaa 8000 Shs, Xamaaliga ayaa codsaday in loo kordhiyo lacagta, hase yeeshee waxaa dalbkaas diiday ganacsatada badeecadaha soo dejisa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada ilaalada dekeda Bosaso ay ku xoog ku kala eryeen xamaaliga mudaharaadka, iyagoo adeegsaday budad iyo ulo adeegsaday si ay kula cariyeen mudaharadayaasha.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa Puntland ka jiray sicir barar iyo qiimaha sarifka lacagta adag ee dollarka oo kor kacday taasi oo saamaysay dadka danyarta ah ee isticmaalaha shiling Somaliga oo ay ka mid ah yihiin dadka ka xoogsada Dekeda Bosaso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *