Dalalka Yurub ee Covid19 kusoo labo kacleeyey oo soo rogaya amaro cusub!

Published: October 13, 2020

Dalalka galbeedka Yurub oo uu markale si xoogleh ugu faafay cudurka coronavirus ayaa maanta ka shiraya go’aano cusub oo ay ka qaataan xakameynta cudurkan xili ay shacabka ka cabanayaan in culeys kale la dul dhigo.

Wadamada Germany, France iyo Holland ayey maanta ka socdaan kulamo ay dowladahaasi uga tashanayaan inay soo rogaan amaro cusub oo lagu xakameenayo dhaq dhaqaaqa shacabka si looga hortago cudurka Covid19.

Dowlada UK ayaa amaro cusub dul dhigtay magaalooyinka ku yaal waqooyiga dalkaasi sida Liverpool oo uu cudurkan si baaxadleh u sameeyey, walow ay shacabka qaarkood kasoo horjeedaan amaradan cusub oo si weyn u xakameenaya is-dhexgalka bulshada.

Dalka Talyaaniga iyo Spain oo kamid ahaa dalalkii cudurkan uu dadka ugu badan ku dilay qaarada Yurub horaantii sanadkan, ayaa markale laga soo sheegayaa in tirada dadka cudurkan uu ku dhacay ay sii kordheyso, waxayna xukuumadahaasi soo rogeen inay dadka afka xirtaan xataa hadii ay banaanka joogaan.

Dhamaan dalalkan ayaa ka cabsi qaba madaama la galay xiliga qaboobaha uu cudurkan si baaxadleh usii faafo taasi oo culeys weyn saari doonta isbitaalada dalalkaasi.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *