Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Qoyska Prof. Cali Khaliif Gallayr

Published: October 13, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay ehelada iyo qoyska raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif Galeyr oo aas-qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska qaran ee dowladda Soomaaliya ay u sameysay raysal wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

“Geerida, Alle ha u naxariistee, raysal wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idiin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Madaxweyne Farmaajo

Dhankooda, ehelada iyo qaraabada marxuumka ee kulanka qeybta ka ahaa ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska qaran ee loo sameeyey raysal wasaarihii hore marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *