Ciidamada NISA Oo Gacanta Ku Dhigay Maaddo Laga Sameeyo Qaraxyada

Published: October 14, 2020

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen maadada (Sulfuric Acid) taas oo laga sameeyo qaraxyada.

War qoraal oo lagu baahiyey bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay inay qabteen 79 kamid ah kiimikadaas oo loo wadey kooxda Alshabaab.

Waxay sheegeen inay baartitaan ku wadaan maadadan ay qabteen iyagoona la kaashan doona hay’adaha ka caawiya la dagaalanka argagaxisada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *