Mid ka mid ah Wiilasha Trump oo Laga Helay Cudurka Covid-19

Published: October 15, 2020

Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baaritaan ka dib laga helay cudurka Coronavirus.

Marwada koowaad ee Maraykanka Ms Trump ayaa sheegtay in arrin ay markasta ay ka cabsi qabtay ay run noqotay oo Wiilkeeda Barron  oo 14 jir ah laga helay cudurka Safmarka ah ee Covid-19

” Nasiib wadaag waa dhalinyaro , xoog leh calaamadaha cudurkana ma uusan muujin” Sidaas waxaa tiri marwada madaxweynaha Maraykanka.

Madaxweyne Donald trump iyo marwadiisa ayaa ka bogsaday Cudurka Coronavirus markii laga helay labo toddobaad ka hor, waxaa kaloo cudurka laga helay Saraakiil aad uga agdhow madaxweyne Trump, waxaa kamid ah la-taliyihii hore ee Aqalka Cad Kellyanne Conway, maareeyaha ololaha Trump Bill Stepien, Gudoomiyaha Gudiga Qaranka ee Jamhuuriga Ronna McDaniel, Gudoomiyihii hore ee New Jersey Chris Christie iyo Xoghayaha dhinaca saxaafadda u qaabilsan aqalka cad ee Maraykanka Kayleigh McEnany.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *