Puntland Oo Ansixisay Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga

Published: October 15, 2020

Shirka khamiislaha ee golaha wasiirada dowlada Puntland ayaa maanta lagu ansixiyey xeer cusub oo ilaalin doona af-Soomaaliga, kaas oo ay soo diyaarisay wasaaradda warfaafinta Puntland.

Shirka maanta oo uu shir-guddoomiyey ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale todobaadkan looga hadlay amniga, dhismaha goleyaasha deegaanka, siyaasadda sanduuqa horumarinta dhallinyarada iyo xaaladda Covid19 ee Puntland.

” Dowladii ilaalin jirtay afsoomaaliga markay meesha ka baxday Puntland ayaa isu xilqaantay”

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Timacade

Dhanka kale madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo diyaarinaya soo dhowaynta madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *