Wafdi Ka Socda Koonfur Galbeed Oo Gaaray Garoowe

Published: October 24, 2020

Wafdi ka socda baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Maxamed Nuur Macalin ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe.

Wafdigan ayaa waxa garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee Garoowe kusoo dhoweeyey guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaano kale.

Ujeedka safarka masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa wuxu yahay iskaashiga labada maamul iyo ka qayb-galka furitaanka kalfadhiga 47aad ee golaha wakiilladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *