IRAN: Aflagaadeynta Nebiga SCW waa dagaal ka dhan ah Muslimiinta oo dhan

Published: October 29, 2020

Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani ayaa sheegay in difaacida ay dalalka reer Galbeedka u muujinayaan sawirada lagu aflagaadeenayo Nebi Maxamed SCW inay tahay anshax-xumo iyo aflagaado ku socota dhamaan Muslimiinta.

Rowxani oo khudbadiisa laga siidaayey telefishinka dalka Iran ayuu ku sheegay in Xoriyada hadalka laga doonayo inay sidoo kale la socoto Akhlaaq & tixgelinta diimaha iyo dhaqanka.

“…Aflagaadeynta Nebiga SCW waa mid loo geystay dhamaan Muslimiinta iyo Dhamaan Nebiyadii illaahay iyo akhlaaqdii iyo diintii ay na-bareen…” ayuu yiri Madaxweynaha Iran oo sheegay in hogaamiyayaasha reer Galbeedka aysan arrintan fahansaneyn.

Dunnida Islaamka ayey maalmahan ka dhacayeen banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha iyo Dowlada France kadib markii Emmanuel Macron uu sheegay inay difaaci doonaan sawiradii ay daabacday jariirada dalkaasi kasoo baxda.

Waxay sidoo kale Muslimiinta caalamka bilaabeen olole lagu diidayo in lagu gato alaabaha iyo badeecadaha ay soo saaraan Warshadaha & Shirkadaha laga leeyahay Faransiiska.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *