Askar Booliis laga keenay Ghana oo soo gaaray Muqdisho

Published: November 4, 2020

Taliska Booliiska dalka Ghana ayaa shaaciyey in askar ay u direen dalka Soomaaliya kuwaasi oo gacan-siin doona ciidamada Booliiska ee AMISOM.

Ciidamadan oo gaaraya 147 ayaa lagu wadaa inay ka hawlgalaan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Imaanshaha ciidamadan ayaa kusoo beegmay xili dalka Soomaliya la isu diyaarinayo doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Baydhabo ayaa kamid ah labada magaalo ee la qorsheeyey in ay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doorto deegaanadaasi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *