Guddoomiye Cabdi Xaashi Oo Soo Saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Waqooyi

Published: November 19, 2020

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Xaashi Cabdilaahi ayaa soo saaray Habraaca lagu maamulayo doorashada Xildhibaanada labada gole ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan  musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo  habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Habraaca guddoomiyaha aqalka sare ayaa kusoo aadaya xilli ay xukuumada federaalka horey u magacowday guddiyada maamuli doona doorashooyinka kuraasta gobolada waqooyi.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waa arin wanaagsan waana ku tageersanahay abdi xaashi qorshaha doorashada xildhibanada gobolada waqooyi iyakaana xaq uleh ciday iskasoo xulayaan iyo cida usooxulaysa inla jajuubo magac uyaal laga soo xulo mahan ddowladu
    hadhorto xoriyada maamulada iyo soo xulida xildhibanada iyo gudiyada boobka iyo xaqdaro wadan kaan malagu maamuli karo mahad guuleed meeshaan hargaysa mahan
    tolka usheeg inay qaranka soo racaan soomaliyeed xoolala adan lahayn baa ku naaxday orod canshuurta kasoo qaad tolkaa isaaq calooshiis ushaqayste baatahay cidna kanaxayn bari raba xaajadu markay xumaato ucararaya hargaysa ,,,,,,,,hakugu filnaato intaa doqomada hawiye kacuntay ee hurdada kujira damiirka laga qaday