Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya Oo War Kasoo Saaray Shir Ay Yeesheen

Published: November 21, 2020

Musharaxiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya oo maanta shir wadatashi ah uga magaalada Muqdisho, ayaa maalintii koowaad soo gabagaboobay, iyadoo warbaahinta ka siiyay warbixin kooban.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharaxiintan gaaraya laba iyo tobanka ayaa sheegay inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

“Waan isu nimid, culees jiro dartii Ayaan isugu nimid, waan arinsanay, waa is cafinay, waan go’aan sannay arinkaan inaan wax ka qabano, waan awoodnaa inaan wax ka qabano, shirkaan intuu socdo markaata briefing ayaan idin siin doonnaa, tashiyo ayaan wadnaa waajibaad ayaan kala qaadanay xaaladuhu wey soconayaan baaqeenu waa nabad”

Daahir Geelle

Murashixiintan oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xassan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaarihii hore ee dowladda hadda jirta Xassan Cali Kheyre iyo madaxweynayaashii hore ee dowlad gobolleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaa waxay cabasho weyn ka muujiyeen guddiyada doorashada ee dowladdu magacowday iyagoo sheegay in ay u howgalayaan maalmaha soo socda sidii wax looga bedeli lahaa gudiyadaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *