RW Rooble Oo Xariga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgeliyey Baydhabo

Published: November 23, 2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah, taasoo ay hay’adda Qatar Charity ka hirgalisay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Mashaariicdan ayaa ka kooban Iskuul hoose, dhexe iyo sare, xarun qaabilsan Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, Foorno laga quudiiyo dadka danyarta ah iyo qeyb ganacsi iyo ceel biyo nadiif ah siiya dadka xaafadaha laga hirgaliyay mashruuca.

“Mashaariicdan aan maanta xariga ka jarnay waxay isugu jiraan goobo Waxbarasho, Caafimaad, Ceel biyood iyo goobo lagu quudiyo danyarta, waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Qatar taageeradeeda ku qotonta baahiyaha bulshada, ka dowlad ahaana waa naga go’an tahay gacan siinta bulshada”.

RW Rooble

Munaasabadda furitaanka mashaariicdan ayaa waxaa ka qeybgalay danjiraha Qatar ee Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Wasiiro iyo masuuliyiin heer federaal iyo heer gobol.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *