Shiikh Shariif oo loo magacaabay Shir-gudoonka murashaxiinta

Published: November 24, 2020

Shirka magaalada Muqdisho uga socday murashaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta guddoomiye u doortay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif.

Shirka oo galay maalintii 4aad ayey murashaxiinta iska xuleen xubnaha shir-guddoonka oo kala ah Guddoomiye, Xoghayn iyo Afhayeen.

Madaxweynihii hore Shiikh Shariif ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha, Xogheyn waxaa loo doortay Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore Maaliyadda, xilka Afhayeen ayaa waxa qaban doona Ridwaan Xirsi Maxamed; Raysalwasaare-Kuxigeenkii hore ee DF Soomaaliya.

Maalmihii uu shirka socday ayey ka qeyb galeen xubno ka socda Bulshada Rayidka, Guddoomiyayaasha Baarlamaanka, Aqalka Sare & Golaha Shacabka, siyaasiyiin, ganacsato iyo culumaa’udiin, waxaana la sugayaa in shirkaasi marka uu dhamaado laga soo saaro warmurtiyeed.

Cabdirisaaq Shiino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *