Shirka Murashaxiinta Madaxweynaha oo la filayo in lasoo gaba-gabeeyo!

Published: November 25, 2020

Afhayeenka Murashaxiinta Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee ku shiraya magaalada Muqdisho Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyey kulamadii ugu danbeeyey oo ay murashaxiinta la yeesheen ururada bulshada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka.

Salaasadii ayey shirka ka qeyb galeen culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca, qaar kamid ah ururada haweenka Soomaaliyeed iyo Guddoonka Aqalka Sare, wuxuuna afhayeenka shirka Ridwaan Xirsi sheegay in dhamaan xubnahan isku raaceen in ay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah.

Wafuud ka socda Beesha Caalamka ayey sidoo kale murashaxiinta kala hadleen arrimaha doorashada, kulankaasi oo ka dhacay aalada Zoom-ka.

Kulamada ay murashaxiinta wadaan ayaa waxaa xalay sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari oo talooyin kasiiyey qaabka doorashooyinkii hore loo qabtay iyo xalinta khilaafaadka hada ka taagan guddiyada doorashada oo uu magacaabay Raysalwasaare Rooble.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *