Muxuu Madaxweyne Deni Kala Hadlay Golaha Wakiilada Puntland ?

Published: November 26, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta guddoonka iyo xildhibaanada golaha wakiillada Puntland kulan qado iyo is xogwareysi ah kula yeeshay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.

Warar hoose ayaa sheegaya inuu madaxweyne Deni kala hadlay baarlamaanka Puntland heshiiska Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, isagoo ka codsaday inaan la siyaasadayn.

Wuxu sheegay inuu meel wanaagsan marayo wada-hadal u socda xukuumadda Puntland iyo Shirkadda DP World, kaas oo ku saabsan fulinta heshiiskii dekedda Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa muddo ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa shalay Arbacadii kasoo degay Garoowe, waxaana kulankiisu kusoo aadayaa xili lagu jiro diyaargarowga doorashada Soomaaliya 2021, taas oo muran badan ka taagan yihiin guddiyada doorashada heer federaal ee ay magacawday dowlada Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *