Dowlada Soomaaliya Oo Waxbarasho Lacag La’aan Siinaysa 57 Kun Oo Arday

Published: November 29, 2020

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta aaladda fogaan aragga Zoom-ka uga qeyb galay shir heer caalami ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaan loo qabtay shaacinta heshiis dhexmaray Wasaaradda waxbarashada, sanduuqa maalgelinta dowladda Qatar iyo mu’asasada Education Above All.

Heshiiskaan ayaa loogu talogalay inay ka faa’ideystaan arday ka badan 57,000 (Konton iyo todobo kun) oo aan awoodin inay waxbarasho aadaan.

Shirka ayaa waxaa wasiirka ku wehlinayay agaasimaha Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Ismaciil Yuusuf Cismaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waxaa ka horeeya, miyeey fulisay dowladda Qatar balanqaadyadii hore.
    Warkaanni waa war la xiriira sidii dib loogu dooran lahaa Farmaajo iyo kooxdiisa.