Axmed Madoobe Oo Ka Jawaabay Hanjabaadii Cumar Filish – VIDEO

Published: December 1, 2020
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta khudbad ka jeediyey kulan uu kula hadlayey Ururada Bulshada rayidka ayaa iyo hay’adaha Jubbaland ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish.

Axmed Madoobe ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta hadalada xanafta leh ee ay adeegsanayaan madaxda dowlada kuwaas oo diinta ka saaraya dadka ka aragtida duwan sidii lagu yaqaanay fikradaha xagjirka ah ee Argagixisada.

” Alshabaab waxay sameeyaan qofkii iyaga ka horyimaada waa murtad in la dilana waa waajib dhiigiisuna wuu banaan yahay, maalmahan waxaa moodaa warkaasi inuu kusoo noq-noqonayo caasimada Muqdisho iyo saxaafadeeda oo aad maqlaysaa nin weyn oo taagan oo leh hebel waa in la dilaa waa murtad”

Axmed Madoobe

Hadalkan ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ula jeedaa hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish oo Musharaxiinta uga digay inay qalaaso sameeyan, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono, wuxuuna kusoo daliishahay Aayado qur’aan oo kusoo degay Munaafiqiinta uu Alle amray in la dilayo.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd qaabkii lagu heshiiyay isagoo ku daray inay Jubaland xaq u leedahay maamulka doorashooyinka ka dhacaya deegaankeeda.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *