Ciidamada PMPF Ee Puntland Oo Hawlgal Ka Sameeyey Buuraleyda Calmadow

Published: December 12, 2020

Ciidamada ilaalinta xeebaha Puntland ayaa Saacadihii lasoo dhaafay howl gallo qorshaysan oo lagu Beegsano kooxaha argagaxisadda ah ka sameeyay deegaano kala duwan oo hoos taga buuralayda Calmadow oo ka mid ah deegaanada inta Badan ay ku dhuumaystaan Kooxaha Nabad diidka ahi.

Ciidamadan ayaa si gaar ah u beegsaday deegaanada Xidid iyo Milxo oo ay argagixisadu dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen maalmihi la soo dhaafay

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay Ciidamadan howlgallada argagaxiso la dirirka ah ka samaynaya deegaanada Calmadow iyadoona ciidamadu kulamo wacyi galin ah la qaateen wax-garadka Bulshada deegaanadaasi.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Puntland ayaa hadda waxaa ay gaareen deegaanada Durduri, Ceelaayo iyo Qaw oo ka tirsan Gobalka Bari.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *