Ardayda Puntland Oo Loo Fasaxay Shahaadadii Dugsiga Sare Ee Dowlada Federaalka

Published: December 13, 2020

Wasaaraddaha Waxbarashada Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka heshiiyey shahaadada waxbarashada dugsiga sare ee heer federaalka, taas oo uu muran ka taagnaa ku dhowaad 2 sanno.

War saxaafaeed ay soo wada saareen Wasaaraddaha Waxbarashada Federaalka iyo Puntland ayaa lagu sheegay kadib kulan ay yeesheen masuuliyiinta wasaaradahan in lagu heshiiyey in dib loo fasaxo shahaadada ardayda Puntland, waxaana kamid qodobada lagu heshiiyey:

1- In adayda Puntland ee dhamaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka oo laga heli doono xarunta Wasaaradda Waxbarshada Puntland iyo tan Federaalka ee Muqdisho.

Ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa sanadadii ugu dambeeyey caqabad kala kulmay hakadka ku yimid shahaadadii heer federaal, taas oo khilaafkeedu marar badan soo noqnoqday xiligii uu joogay wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *