Garowe: Kulankii Madaxweyne Deni iyo guddiga Duufaantii Gati

Published: December 15, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Dowladdu u xilsaartay duufaantii GATI.

Gudiga ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey saamaynta khasaare ee ka dhalatay duufaantaasi oo ku dhufatay gobolada Gardafuu, Bari iyo Karkaar, waxay xaqiijiyeen in shacab ku nafwaayeen, xoolo tiro badan ay ku le’deen, iskaashatada kalluumaysataduna ku waayeen dad iyo qalabba, guryo iyo duunyo kalena ay waxyeelaysay.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey safarkii Guddigu ku tageen Goboladaasi iyo shaqada guddiga ee hordhaca ah, wuxuuna faray Hay’addaha Dowladda in guddiga lagala shaqeeyo gurmadka iyo sidii dadka waxyeeladu gaartay wax loo gaarsiin lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *