Qaramada Midoobay Oo Cambaaraysay Qaraxii Ka Dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Published: December 18, 2020

Qaramada Midoobey ayaa cambaaraysay qarax Ismiidaamin ahaa oo ay ku dhinteen saraakiil sare iyo masuuliyiin kale oo galabta lagu weeraray garoonka kubada cagta Cabdilaahi Ciise ee koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, halkaas oo lagu soo dhowayn lahaa raysal wasaare Rooble.

War qoraal oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in QM ay canbaaraynayso Qaraxii Galabta, waxaana ku baaqday in kuwii ka danbeeyay weerarkaasi Caddaaladda la hor keeno.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarkii lala eegtay maanta garoonka cayaaraha ee Gaalkacyo, kahor hadal jeedinta Raysulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, qaraxaasi oo sababay khasaare badan. Waxay Qaramada Midoobay ku baaqaysaa in kuwii ka danbeeyay dhagartaasi caddaaladda la hor keeno. Waxayna sidoo kale tacsi u diraysaa dadkii waxyeelladu soo gaartay iyo qoysaskooda”.

QM

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *