Trump oo cafis u fidiyey rag u xirnaa xasuuq ka dhacay Ciraaq

Published: December 24, 2020

Madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Maraykanka Donald Trump ayaa cafis horleh u fidiyey xubno kamid ahaan jiray kooxdiisii ololaha doorashada oo la xiray iyo askar loo xiray xasuuq ay ka geysteen wadanka Ciraaq.

Trump oo todobaadyadii lasoo dhaafay waday cafinta taageerayaashiisa xiran kahor intuusan xilka ka degin ayaa kooxdan uu cafiyey oo gaarayey 26 qof waxaa kamid ahaa 4 nin oo horey uga soo tirsanaan jiray militariga Maraykanka kadibna kamid noqday  kooxda Calooshood u shaqeystayaasha shirkadii ee Blackwaters.

Afartaasi nin oo xabsi dheer lagu xukumay ayaa sanadkii 2007 magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq ku xasuuqay 14 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan labo caruur ah, xiligaasi oo ay raggan u shaqeenayeen shirkada Blackwaters oo Maraykanka u qaabilsaneyd illaalinta wafuuda Maraykanka ee dalka Ciraaq booqanayey.

Qaramada Midoobay iyo shacabka Ciraaq ayaa si adag u cambaareyeey raggan uu Trump xabsiga kasii daayey.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *