Guddoonada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaray Garoowe – VIDEO

Published: December 26, 2020

Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin senatero ka tirsan aqalka sare ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa maanta Garoowe soo gaaray guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Wafuudan kala duwan ee maanta timi Puntland, waxaana la filayaa inay kuwo kalena maalmaha soo socda soo gaaraan Garoowe, kuwaas oo dhammaantood ka qeybgeli doona Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *