Murashaxiinta Madaxweynaha oo ka digay Heshiisyada Qarsoodiga ah ee Sahminta iyo Soosarista Batroolka Soomaaliya

Published: January 3, 2021

Qoraalka ay soo saareen Midowga Murashaxiinta ayaa lagu xusay heshiiska Qarsoodiga ah oo ay Xukuumada Federaalka Dooneyso inay la gasho labo shirkadood oo shisheeye.

Xogta Murashaxiinta shaaciyeen ayaa lagu sheegay in shirkadaha shisheeye ee la kala yiraaho Liberty iyo Coastline ay wadahadal hoose kula jiraan Wasaarada Batroolka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya, heshiisyadan oo ay ku tilmaameen kuwo khatar ku ah ummada Soomaaliyeed iyo khayraadkooda.

Heshiisyadan qarsoodiga ah ayaa sidoo kale ka horimaanaya Dastuurka dalka & xeerarka la xariira maareynta khayraadka dalka iyo waliba heshiisyadii hore ee Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee la xariira wadaagista khayraadka dabiiciga ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mucaaradk somalida maxaa lagu tilmaami Lara.

    Mucaaradka dunida waxay mucaarad ku yihiin wixii ku xun dalka iyo dadka ee ay dowladdu wado. Kuwaan somalida. Kuwaan somalida waa kuwo ka duwan sidii la rabay mucaardka noqon lahaa.

    Waxaa ku qoran maya.
    Doorosho qof iyo cod ah MAYA
    Jid baa la samayn MAYA
    Doorosho dadban baa la geliya
    MAYA
    Amiga la sugaya MAYA
    Hirshabeele gudi doorosho baa loo magacabay MAYA
    Hirshabeele maamul baa loo dhisay MAYA
    Dalkii arrimeheen soo fara geliya xiriirka u jarnay MAYA
    Shidalka soo sarayeyna MAYA
    Iyo kuwo kale oo badan
    Marka somaliyeed mucaaradka maxaa xal ah.